Tirakoobka 2023 2023 Census information in Somali

Baro waxa uu tirakoobka yahay, sababta aan u sameeyno, iyo sida aad uga qeyb qaadan karto.

Tirakoobka 2023 2023 Census information in Somali

Baro waxa uu tirakoobka yahay, sababta aan u sameeyno, iyo sida aad uga qeyb qaadan karto.

Waa maxay tirakoobka What is the census

Tirakoobka waa sahan wadanka oo dhan ah oo la qabto shan sanno walba. Waa tirada rasmiga ah ee qof kasta oo ku sugan Aotearoa New Zealand, iyo meelaha ay ku nool yihiin ama ay degan yihiin (guryaha).

Tirakoobka xiga waa Talaadada, 7 da Maarso 2023.

Tirakoobka wuxuu ku caawiyaa in qof walba uu fahmo sida Aotearoa New Zealand ay isu beddesho muddo ka dib. Waxay kaloo ka caawisaa dowlada iyo ururada kale inay qorsheeyaan adeegyada loogu tallogalay dadka iyo bulshooyinka, sida isbitaalada, dugsiyada, iyo gaadiidka dadweynaha.

Yaa u baahan inuu sameeyo tirakoobka Who needs to do the census

Qof kasta oo ku sugan Aotearoa New Zealand Maalinta Tirakoobka, Talaadada 7 da Maarso 2023 waa inuu ka qeybqaataa tirakoobka. Kan waxaa ku jira:

  • muwaadaniinta New Zealand
  • degayaasha joogtada ah ee New Zealand
  • degayaasha dibada ee New Zealand
  • martida dibadda ee New Zealand.

Waxaad weli u baahantahay inaad buuxiso tirakoobka haddii aad:

  • ku nooshahay meel aan guri aheyn
  • ku jirtid isbitaal
  • aadan laheyn cinwaan
  • ku safreysid ama aad ka shaqeyneysid gudaha New Zealand.

Waxa laguugu weydiiyo tirakoobka What you are asked in the census

Tirakoobka wuxuu ku weydiinayaa su'aalo adiga kugu saabsan, gurigaaga (meesha aad ku nooshahay ama aad degan tahay), iyo dadka kale ee ku nool ama degan gurigaaga.

Macluumaadka aan kaa uruurinay, waxa la isugu geeyaa jawaabaha qof kasta oo kale si aan u bixino xogta iyo tirakoobyada ku saabsan meelaha iyo bulshooyinka Aotearoa New Zealand.

Stats NZ waxay illaalisaa warbixintaada iyo aqoonsigaaga. Waxaan hubinaa inaan laguugu aqoonsan karin xogta aan daabacno.

Lama wadaagno qofna jawaabahaaga shaqsiga. Tan waxaa ku jira ururada dowliga ah sida Wasaarada Hormarinta Bulshada, Kainga Ora, Booliska NZ, ama Canshuuraha Gudaha.

Sida aad ku heleysid foomamka tirakoobka How you will get your census forms

Stats NZ ayaa kuu soo dirayo warbixin ku saabsan tirakoobka iyo sida aad uga qeyb qaadaneysid.

  • Qeybo ka mid ah New Zealand, xubinta shaqaalaha tirakoobka ayaa ku soo booqanayo si uu u keeno labadaba foomamka warqada iyo warqad wadato koodhka gelitaanka ee loogu sameynayo tirakoobka onleenka ah.
  • Qeybaha kale ee New Zealand, guryaha waxaa kaliya oo loo soo dirayaa warqad wadato koodhka gelitaanka ee loogu sameynayo tirakoobka onleenka ah.

Waxaad ku sameeyn kartaa tirakoobka onleenka ama warqad You can do the census online or on paper

Dhibaato malahan waxa gurigaaga helo, waxaad ku dooran kartaa inaad tirakoobka onleenka ku sameysid ama foomka warqada.

Haddii aadan helin foomamka warqada ee gurigaaga, ama aad u baahan tahay wax badan, waxaad nooga dalban kartaa si bilaash ah.

Foomamka onleenka iyo warqada waxaa lagu heli karaa af Ingiriis iyo labada luuqad te reo Māori/Ingiriis. Foomamka warqada af Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu heli karaa qaabka Daabacaada Balaaran.

Dalbo foomamka warqada 

Taleefon-bilaah ah: 0800 CENSUS (0800 236 787)

Goorta la buuxinaayo foomamkaaga tirakoobka When to complete your census forms

Waxaad buuxin kartaa foomamka tirakoobka isla markii aad heshidba. Isku day inaad midaan sameysid markaas ama kahor Maalinta Tirakoobka ee Talaadada, 7 da Maarso 2023.

Markii aad buuxisid foomamka tirakoobka, waxaad midaan ku sameyneysaa meesha aad dagantahay habeenka Talaadada, 7 da Maarso 2023.

Waxaad weli buuxin kartaa Maalinta Tirakoobka kadib.

Sida loo buuxiyo foomamkaaga tirakoobka How to complete your census forms

Tirakoobka wuxuu ka kooban yahay laba foomam.

  • Mid ayaa ku saabsan gurigaaga. Kan ayaa loo yaqaan Foomka Guriga. Kaliya hal qof ayaa guri walbo looga baahanyahay inuu buuxiyo. Haddii aad la nooshahay dad kale, hubi qofka sameynayo tan.
  • Mid ayaa adiga kugu saabsan. Kan ayaa loo yaqaan Foomka Shaqsiga. Qof kasta oo ku nool guri waxaa looga baahanyahay inuu buuxiyo Foomka Shaqsiga. Waaladiinta ama daryeelayaasha waxay u baahanyihiin inay hubiyaan in Foomka Shaqsiga loo buuxiyay carruurta, oo ay ku jiraan dhalaanta.

Sida loo helo caawinta lagu buuxinaayo foomamkaaga tirakoobka How to get help to complete your census forms

Haddii aad u baahantahay caawinta lagu buuxinayo foomamka tirakoobka, waxaad weydiisan kartaa qof aad aaminsantahay inuu ku caawiyo sida:

  • saaxib
  • xubin qoyska ah
  • aruuriyaha tirikoobka.

Waxaad si bilaash ah uga soo wici kartaa qadka caawinta tirakoobka 0800 CENSUS (0800 236 787).

Waxaad weydiisan kartaa qof ku hadlo:

  • Māori
  • Samoan
  • Tongan
  • Mandarin
  • Kontonees
  • Koriyaan
  • Hindi
  • Bunjaab

Warbixintaada iyo asturnaanta Your information and privacy

Jawaabaha aad na siiso waxaan u illaalinaa si gaar ah oo badqab ah. Waxaan midaan ku sameynaa anagoo adeegsaneyna sharciyada iyo xeerarka, iyo anagoo adeegsaneyno dhowr qeybood amni ah. Ma jiro qof aqoonsan kara adiga ama jawaabahaaga ku aadan su'aalaha tirakoobka markaan siideyno xogta tirakoobka.